Halkee ayuu marayaa qorshaha ay Chelsea kula soo wareegeyso Edin Dzeko? Xog u gaar ah Daily Express!

0
1026

Chelsea ayaa diyaar u ah in dalab sarre ay u qaaday (Improved offer) ay ka gudbiso weeraryahanka kooxda AS Roma iyo xulka qaranka Bosnia Edin Dzeko, xilli ay dooneyso inay xiddigii hore ee Manchester City kusoo celiso horyaalka England Premier League.

Tababare Antonio Conte ayaa doonaya inuu 50 milyan oo ginni kusoo qaato labada ciyaaryahan ee kooxda Roma Dzeko iyo daafaca dambeedka bidix ee reer Brazil Emerson Palmieri inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bishaan Jannaayo.

Laakiin Chelsea ayaa ku dhibtooneysa inay heshiis la meeldhigto wakiillada Dzeko, kaasoo aan dooneyn inuu qoyskiisa usoo raro caasimadda London maadaama uu dhowaan guri ka iibsaday caasimadda Roma.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa haatan lagu soo waramayaa in dalab ay sarre u qaaday ay ka gudbin doonto 31 sanno jirkaan, waxaana ku jira qandaraas 18 bilood ah oo uu saxiixayo haddii uu kusoo biiro Blues.

Majaladda Daily Express Sport ayaana sheegeysa inay Chelsea u weecan doonto saxiixa weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud haddii ay ku fashilanto keenista Dzeko ee Galbeedka London.

Dhanka kale, Gunners ayaa rajeyneysa inay dhammeystirto saxiixa weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan