Man United oo aqbashay inay bixiso qiimaha lagu burburin karo heshiiska difaac dhaawac ku maqan oo ka ciyaara dalka Talyaaniga

0
1419

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay aqbashay inay bixiso adduun dhan 52.6 milyan oo gini oo ah lacagaha lagu burburin karo heshiiska difaaca kooxda Napoli ee Faouzi Ghoulam.

Sida uu warinayso warsidaha Rai Sport, Tababaraha Man United ee Jose Mourinho ayaa doonaya inuu soo qaato difaacan bidix oo uu 26-sano jirkaan keensado kooxda Manchester United.

Ghoulam kaasoo sidoo kale la la xiriirinayo Paris Saint-Germain ayaa dhaliyey labo gool waxaana uu caawiyey labo kale ka hor inta uusan dhaawac jilibka ahi ku soo gaaray kulankii heerka guruubyada Champions League oo ay la ciyaareen Manchester City.

Difaacan ayaa garoomada ka maqnaan doona illaa bisha soo socota, laakiin inuusan ciyaareynin waqtigaan ma saameyn doonto xiddigan, madaama macallin Jose Mourinho uu ku adkeysanayo inuu doonayo adeegga ciyaaryahanka.

Man United ayaa gaartay Wareegga shanaad ee FA Cup kaddib markii ay xalay adkaatay, iyadoo saxiixda cusub ee Alexis Sanchez oo u saftay kulankiisii ugu horreeyey kooxda uu labo gool caawiyey kulankii ay 4-0 ku badiyeen.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan