Wayne Rooney oo suuqa dhigay Gaarigiisa – Maxaa ku kalifay Rooney inuu iska iibiyo Baabuurkiisa BMW i8? + SAWIRRO

0
1836

Weeraryahanka kooxda Everton ee Waddanka Ingiriiska, Wayne Rooney ayaa Baabuurkiisa BMW i8 waxa uu soo dhigay suuqa kala iibsiga Baabuurta ee Auto Trader.

Sababta ku kaliftay Kabtankii hore ee Manchester United inuu iska iibiyo Baabuurkiisa ayaalagu sheega, kaddib markii laga joojiyay Baabuur kaxeynta ka gadaal markii lagu helay isagoo Baabuur kaxaynaya xilli uu khamri cabsanaa.

Laba sanadood ayaa xiddigii hore ee xulka qaranka Ingiriiska iyo Kooxda Manchester United ee Wayne Rooney laga mamnuucay Baabuur wadidda.

Rooney ayaa sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegeyso waxa uu Baabuurkani BMW i8 ka iibiyay Auto Trader oo iyadu haatan ku sii iibinaysa 64,995 giniga istarliinka ah, taasoo 50,000 gini ka yar lacagtii uu markii hore ku iibsaday Rooney gaarigan BMW, bishii January ee sanadkii 2015-kii.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan