10-ka heshiis ee dhammeystirka ku dhow Galabta, halkee ayuu marayaa heshiiska uu Pierre-Emerick Aubameyang ugu biirayo Arsenal?

0
1309

Galab wanaagsan akhristeyaasheenna qiimaha iyo qadarinta inaga mudanoow meel walba oo aad adduunka ka joogtaan.

Waxaan halkaan ku soo koobin doonaa 10-ka heshiis ee galabta dhammeystirka ku dhow, kuwaasoo ay soo bandhigtay shabakadda Football Whispers oo bah-wadaag la’ah Sky Sports.

Sida caadada ah qiimeynta heshiiska dhammeystirka ku dhow waa inuu helo shan dhibcood (Five stars), halka heshiisyada ku soo xigga dhibco ahaan ay yihiin kuwa ku soo ag dhow.

Waxaa hoggaaminaya heshiisyada dhammaaystirka ku dhow galabta Lassa Diarra, kaasoo qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Paris Saint Germain, iyadoo xiddiii hore ee Real Madrid uusan wax koox ah heysan haatan ama katirsanayn.

10-ka heshiis ee dhammaystirka ku dhow galabnimadan, waxaa si weyn uga dhex muuqda Aaron Lennon, kaasoo qarka u saaran inuu ka tago kooxdiisa Everton oo uu ku biiro naadiga Brunley, waxaana uu ku jiraa kaalinta labaad.

Waxaa kaalinta saddexaad heshiisyada dhammaaystirka ku dhow galabta ku jira Kelvin Mellor oo ka tagaya Blackpool kuna sii jeeda kooxda Bradford City.

Pierre-Emerick Aubameyang oo isna lagu wado inuu ku soo biiro Arsenal ayaa hoos ka hoggaaminaya heshiisyada dhammaystirka ku dhow.

Warkii ugu dambeeyey ee xiddiga reer Gabon ugu biirayo Arsenal ayaana shaki laga muujinayaa iyadoo tababaraha kooxda Gunners oo Wenger uu dhawaan qirtay inaysay ku dhaweyn saxiixiisa.

Da’yarka Chelsea ee Charly Musonda ayaa isna qarka u saaran inuu qaab amaah ah ugu guuro kooxda Bournemouth.

Halkaan hoose ka eeg qiimeyntii ugu dambeysay ee Football Whispers…

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan