Laacibkii bartilmaameedka u ahaa Liverpool ee Leon Goretzka oo la shaaciyey kooxda uu ku biiri doono

0
552

Kooxda kubadda cagta Schalke 04 ayaa shaaca ka qaaday in in xiddigii bartilmaameedka u ahaa kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Arsenal, Leon Goretzka uu heshiis cusub u saxiixay Baryern Munich oo uu ku biiri doono dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga xulka qaranka Jarmalka ayaa haa mid ka mid ah xiddigaha suuqa saarnaa ee ugu hadal haynta badnaa bishaan, kaddib markii uu iska diiday heshiis cusub oo uu ku sii joogi lahaa garoonka Veltins-Arena.

Liverpool ayaa la hadal hayey inay hoggaanka u haysay tartanka loogu jiray saxiixa ciyaaryahankan Goretzka, laakiin kooxda kooxda Schalke ee ka dhisan dalka Germany ayaa sheegtay in Bayern Munich ay ku qancisay ciyaaryahanka khadka dhexe inuu si rasmi ah uga mid noqdo beeca xorta ah laga bilaabo bisha July si uu Allianz Arena uga doorto garoonka Anfield.

Agaasimaha Schalke ee Christian Heidel ayaa Suxufiyiinta u sheegay maanta: “Leon Goretzka waxa uu nagu wargeliyey todobaadkan inuu doonayo inuu kooxda ka tago si uu ugu biiro Bayern Munich.”

Goretzka ayaa sidoo kale la la xiriiriyay Barcelona iyo Manchester United lixdii bilood ee ugu dambeysay, afar gool ayuu ka dhaliyay 11 kulan oo horyaalka Bundesliga uu u saftay Schalke xilli ciyaareedkan, laakiin dhaawac ayuu muddo hal bil ah garoomada kaga maqnaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan