UPDATE: Wakiilada Xiddiga Bartilmaameedka U Ah Arsenal Ee Malcom Oo U Duulay London

0
1025

Arsenal ayaa qarka u saaran inay wadahadalo la furto weeraryahanka kooxda Bordeaux ninka lagu magcaabo Malcom.

Sky Italia wuxuu leeyahay wakiillada da’yarkaan reer Brazil ayaa maanta gaaraya London si ay wadahadalo ula yeeshaan maamulka kooxda Arsenal.

Gunners ayaa ah kooxda ugu cadcad inay lasoo wareegto Malcom oo loo arko bedelka saxda ah ee Alexis Sanchez oo diyaar u ah inuu ka dhaqaaqo Arsenal.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in xididga Chile ka tagayo kooxda kaliya marka la helo bedelkiisa.

Jimcihii, Wenger ayaa yiri: “Waa ciyaaryahan wanaagsan, laakiin waxba ma dhicin, wuxuu kula jiraa kooxdeena qandaraas ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedka.

“Anigu ma xukumi doono isaga, waxaan ku jirnaa suuqa, waxaan raadineynaa bedelkiisa, laakiin ma rabo inaan ku sheego wax aan xaqiijin Karin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan