Miyay Liverpool Jabin Kartaa Caawa Rikoorka Guulaha Xiriirka Ah Ee Man City? Sadio Mane Ayaa Ka Jawaabay

0
1277

Xiddiga kooxda Liverpool Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Manchester City ay tahay koox xoog weyn oo laga baqo marka ay soo booqneyso caawa garoonka Anfield.

Reds ayaa wajaheysa kooxda Pep Guardiola oo badisay 20 kamid ah 22kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League, waana guuldarro la,aan marka ay soo booqaneyso Anfield.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo taageerayaasha martida loo yahay baqayaan, Mane ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ay Jürgen Klopp kooxdiisa ku badin karto caawa.

Waxa uu u sheegay Liverpoolfc.com: “Waxaan u maleynayaa in qof walba uu ku faraxsan yahay noocan koox ee aan heysano, laakiin markasta City waa koox awood badan.

“Ma sahlanaan doonto inaan ka badino Manchester City waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican horyaalka, laakiin sidoo kale waxaan heysanaa tayo sarre iyo koox weyn, Waan garaaci karnaa qof walba, ma ahan kaliya horyaalka, laakiin xitaa Europ.

Wuxuu noqon doonaa kulan adag oo aan rajeynayo inaan ku guuleysto ayuu hadalkiisa ku daray xiddiga Reds Sadio Mane.

“Waan ogahay inaan goolal dhalin karno daafac kasta oo adduunka ugu xoogana aan heysano, sidaasi darteed waxaan arki doonaa waxa aan kala kulano ciyaarta City.

“Kalsooni ayaa halkan ku joognaa, qof walba wuxuu ku riyaaqayaa ciyaarta, hadda waxaan sugeynaa kaliya inaan ka guuleysano Manchester City.

Hadii Liverpool ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee City garaacda Premier League, waa mid muhiim ah, Mane sidaas u sheegay Website-ka kooxdiisa.

Weeraryahanka reer Senegal ayaa ku baaqay in taageerayaasha garoonka dhexdiisa ay ka sameeyaan geesinimo ay ku garab istaagayaan kooxdooda.

“Kama fekerayo booska City ama qaabka City; Aad ayaan u xiiseynayaa inaan iyaga gool ka dhaliyo “ayuu yiri Mane.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan