Maxay ahayd sababtii saxiixa cusub ee Barcelona Yerry Mina kabaha iska bixiyey markii uu galayey garoonka Camp Nou? Isagaa ka jawaabaya! + SAWIRRO

0
1427

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shalay saxaafadda u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Yerry Mina, laakiin difaacan jogga dheer ayaa inta uusan garoonka Camp Nou cagta saarin waxa uu iska bixiyey kabihii uu watay.

Xiddigan reer Colombia ee Yerry Mina ayaa soo istaagay xariiqa laga galo garoonka Camp Nou, waxaana uu iska bixiyay kabihii uu xirnaa, isaga oo sidoo kale iska saaray iskaalshadii ama sigisaantii uu watay, kaddib ayuuna garoonka gudaha u galay isagoo caga-cad.

Yerry Mina ayaana la weydiiyey sababta uu arrintaa u sameeyey, waxaana uu u sheegay Barca TV inuu leeyahay caqiido layaab leh taas oo ah inuu caga-cadaan galo marka ugu horraysa ee garoon cusub uu galayo oo uu koox cusub ku biiro.

Waxa uu Mina intaa ku daray haddii uu sidaasi sameeyo uu aaminsan yahay inuu heli doono nasiib isaga u gaar ah, isla markaana uu garoonkaas u noqon doono mid uu marwalba ka dhex muuqdo oo uu guulo ku gaaro.

Jamaahiirtii Barcelona ee u soo daawashada tagay soo bandhigistii Yerry Mina ayaa si weyn ula yaabay caado dhaqabeedkaan cajiibka ah oo aysan weligood horay u arag xiddig sidaas oo kale isagoo cago-cad garoonka soo galaya.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan