Liverpool guuldaradii ay Man City biday waxay ka dhigtay Barcelona kaliya inaan 5-horyaal Yurub ugu caansan laga badinin xili cayaareedkan

0
1145

 

Naadiga Man City waxaa ku dhacday guuldaradii ugu horeesay xili cayaareedkan Premier League waxaana 4-3 kaga badisay Liverpool kulankoodii ugu dambeeyay.

Hadaba 5-horyaal Yurub ugu caansan Barcelona oo kaliya ayaa haatan ah naadiga aan laga badinin kulamada horyaalada.

Fadlan hoos kaga bogo 5-horyaal Yurub ugu caansan kooxaha guuldarooyinka ugu yar xili cayaareedkan la kulmeen:

Barcelona (La Liga) – 18 kulan ay cayaartay wax guuldaro ah ma aysan la kulmin horyaalkana 6-dhibcood ayay ku hogaamineysaa.

Man City (EPL) 23-kulan ay cayaartay 1-kulan ayaa laga badiyay waxana hogaanka ku hayaan 15-dhibcood oo nadiif.

Napoli (Serie A) – 20 kulan ay cayaartay 1-kulan ayaa laga badiyay waxayna hogaanka ku heysaa 1-dhibic oo qura.

PSG (Ligue 1) – 19-kulan ay cayaartay 1-kulan ayaa laga badiyay waxayna hogaanka ku heysaa 8-dhibcood.

Bayern Munich (Bundesliga) – 18-kulan ay cayaartay 2-kulan ayaa laga badiyay waxayna hogaanka ku heysaa 13-dhibcood.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan