Jose Mourinho iyo Antonio Conte oo si toos ah ugu dagaalamaya saxiixa daafac jooga 53 milyan (Warbixin)

0
1038

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa wuxuu diyaar u yahay inuu markale dagaal dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ah la galo dhiggiisa kooxda Chelsea Antonio Conte.

Kooxda tababare Jose Mourinho ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca dambeedka bidix ee kooxda Juventus Alex Sandro kaasoo lagu qiimeeyo 53 milyan oo ginni, sida laga soo xigtay majaladda Sunday Mirror.

Tababaraha Manchester United ayaa u arka daafaca heerka caalami ee dalka Brazil Alex Sandro midka xallin kara dhibaatada daafaca dambeedka bidix ka heysata kooxdiisa ka dhisan Old Trafford.

Alex Sandro ayaa muddo dheer diiradda u saarnaa kooxda Chelsea

Mourinho ayaa xitaa ugu baaqay maamulka Man United inay bixiyaan qiimaha 53da milyan oo ginni ah ee ay Juventus duldhigtay madaxa Alex Sandro, kaasoo muddo dheer diiradda u saarnaa kooxda tababare Antonio Conte ee Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintaan ayaa sheegeysa in aysan u badneyn inay maamulka Red Devils u dhaqaaqaan saxiixa Sandro illaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan, halka tababare Antonio Conte uu doonayo inuu ku qanciyo maamulka kooxdiisa Chelsea inay u keenaan 26 sanno jirkaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bishaan Jannaayo.

Difaacdeyaasha horyaalka Serie A ee Juventus ayaa diyaar u ah inay iibiyaan Sandro bishaan Jannaayo haddii ay helaan bedelkiisa, sidoo kale kooxda Faransiiska ah ee Paris St Germain ayaa isha ku heysa suurtogalnimada ku aadan saxiixa Sandro.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan