JOSE MOURINHO: Henrikh Mkhitaryan Waa Ka Tagayaa Manchester United

0
1043

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa si maldahan u sheegay in Henrikh Mkhitaryan la iibin doono, iyadoo shaki la gelinayo mustaqbalka kubadsameeyahaan.

Mkhitaryan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo United ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos joogta ah ka helo shaxda tababare Mourinho.

Xiddiga reer Armenia oo ahaa mid ka mid ah saxiixyadii ugu horreeyay Jose Mourinho ayaa kasoo dhaqaaqay Signal Iduna Park sannadkii 2016kii.

Mourinho oo ka hadlay mustaqbalka Mkhitaryan ee kooxda Manchester United, ayaa yiri: “Haatan qaab ciyaareedka ciyaaryahan kasta oo qiimo leh waa qasab in la iibiyo.

“Waxaan qabaa in ciyaaryahan kasta uu heysto qiimo, sidaasi darteed waxaan iibin doonaa haddii aan helno qiimo sax ah.

“Mkhitaryan wuxuu ciyaaray kulankii ugu dambeeyay Manchester United ku garaacday FA Cup-ka kooxda Derby, waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka Stoke ee habeen dambe.

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa saxiixa Sanchez oo katirsan Arsenal, taasoo meesha ka saareysa joogitaanka Henrikh Mkhitaryan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan