Jamaahiirta RB Leipzig oo qaaday tallaabo muujineysa inuu Naby Keita ku dhow yahay ku biirista Liverpool

0
445

Taageereyaasha kooxda RB Leipzig ayaa macsalaameeyey geesigooda qadka dhexe Naby Keita kaasoo u muuqda inuu xilli hore ku biiri doono kooxda Liverpool bishaan Jannaayo.

Liverpool ayaa kula heshiisay kooxda RB Leipzig inay xagaaga 2018ka kala wareegi doonto  Keita, laakiin hadda waxay dooneysaa inay heshiiskiisa dedejiso.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu hadda doonayo soo qaadashada xiddiga qadka dhexe, wuxuuna Naby Keita u arkaa bedelka Philippe Coutinho oo ku biiray Barcelona.

Liverpool ayaa bixin doonta 12 milyan oo ginni oo dheeraad ah, iyadoo wadarta qiimaha Naby Keita ka dhigi doonta ku dhowaad 60 milyan oo ginni si ay xiddigaan ula soo wareegto inta lagu jiro bishaan Jannaayo.

Xitaa Naby Keita ayaa u muuqday inuu sameeyey dabaaldeg uu ku macsalaameynayo taageereyaasha kooxdiisa ka dib goolkii uu ka dhaliyey kooxda Schalke Sabtidii. Taageereyaasha Leipzig ayaana Twitter-ka ku macsalaameeyey.

Hase yeeshee, guddoomiyaha kooxda Jarmalka ah Ralf Rangnick wuxuu ciyaarta ka hor daaha ka qaaday in laga yaabo inuu xiddigaani kusii nagaado kooxdooda illaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan