HORDHAC: Liverpool v Manchester City- Kooxda Laga Badin Waayay Ee SKY Blue Oo Booqaneysa Anfield

0
824

Liverpool ayaa kusoo dhaweyn doonta garoonka Anfield kooxda Manchester City kulan katirsan horyaalka Premier League.

Kooxda Jurgen Klopp oo aan laga badin 14kii kulan ee ugu dambeyay oo ay kula ciyaareen garoonkooda Mancheser City, ayaa raadineysa in ay ka jabiyaan rikoorka guuldarro la’aanta ah ee kooxda Pep Guardiola.

Si kastaba ha ahaatee, Reds ayaa ciyaari doonta kulankii ugu horeyay, iyagoo aan heysan Philippe Coutinho oo 146 milyan oo ginni isbuucii hore ugu biiray kooxda La Liga ka dhisan ee Barcelona.

Daafaca Netherland Virgil van Dijk ayaaa kusoo bilaaban doona kulankiisii ugu horeeyay horyaalka marka kooxdiisa soo dhaweyneyso kooxda Manchester City.

OGEYSIISKA CIYAAARTA

GAROONKA: Anfield  

SAACADA: 7:00 PM

MAXAA CUSUB?

Liverpool ayaa waxaa kusoo laabtay Salah oo la maqnaa dhaawac kasoo gaaray muruqa, si kastaba ha ahaatee kulankaan ayaa waxaa si dhaqso ah ugu soo laabanaya weeraryahanka England Daniel Sturridge.

kabtanka Jordan Henderson iyo daafaca dambeedka bidix ee Alberto Moreno oo qaba dhaawacyo ayaa sidookale la rajeynayaa in ay soo kabtaan ciyaarta adag ee caawa.

Dhamaan seddexdaas ciyaartooy ayaa kusoo laabtay tababarka, inkastoo daafaca dambeedka midig ee Ingiriiska Nathaniel Clyne weli maqan yahay.

Dhinaca City ayaa waxaa ka maqnaan doona xiddiga reer Brazil ee Jesus, kaasoo garoomada laga saaray muddo labada bilood ah, halka kabtan Vincent Kompany uu la maqnaanayo dhaawac muruqa ah.

Dafaca bidix ee Benjamin Mendy ayaa weli la maqan dhaawac jilibka ah, iyadoo Guardiola uusan qaban dhaaawacyo intaas kabadan.

XAQIIQADA KULANKA

Reds ayaa laga dhaliyay kaliya afar gool 13kii kulan ee ugu dambeyay oo ay garoonkooda ku ciyaareen, waxaana ay shabaqa ilaashaden sagaal kulan.

Liverpool ayaan badinin afar kulan oo Premier League xiriir ah tan iyo bishii December sannadka 2016kii , laakiin haddii ay garaacaan City caawa ayay gaarayaan rikoorkaas.

Ma jiro tababare garaacay Guardiola in kabadan macalin Liverpool tartamada oo dhan, afar jeer ayuu ka badiyay waana heer lamid ah tababare Jose Mourinho.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Liverpool: Mignolet, Gomez, Matip, Van Dijk, Robertson, Can, Wijnaldum, Lallana, Mane, Salah, Firmino.

Manchester City: Ederson, Walker, Otamendi, Stones, Delph, Fernandinho, D. Silva, De Bruyne, Sterling, Sane, Aguero.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan