HORDHAC: Bournemouth vs Arsenal- Jack Wilshere Oo Diyaar Ah & Mesut Ozil Oo Seegi Kara Safarka Gunners

0
552

Jack Wilshere ayaa ciyaari kara kulanka kooxdiisii hore, isagoo Arsenal ula safri doona kooxda xeebaha ENGLAND ka dhisan ee Bournemouth galabta.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa dhaawac jilibka ah uu kasoo gaaray kulankii semi-finalka Carapa Cup ee Chelsea, laakiin tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay inuu ciyaari karo kulanka maanta.

Wilshere, oo xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Bournemouth, ayaa ku guuldarreystay inuu shabaqa soo taabto 29 kulan oo uu u saftay, waxaana uu kusoo qoray Instagram: “Rajeynteydu ma ahan mid aad u xun, waan soo laabanayaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Vitality Stadium

SAACADA: 4: 30 OM

MAXAA CUSUB?

Tababaraha Bournemouth Eddie Howe ayaa sii wadi doona tijaabooyinka caafimaad ee la marsiinayo labada ciyaartooy ee Josh King iyo Junior Stanislas.

Labada weeraryahan ayaa la dagaalamayay dhibaatooyin muruqa ah, laakiin waxa ay ku soo laaban karaan kulanka galabta.

Jermain Defoe iyo Tyrone Mings ayaa weli la maqan dhaawacyo muddada dheer.

Aaron Ramsey ayaa kusoo laabtay Arsenal ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac, laakiin Mesut Ozil oo jilibka ka dhaawacan ayaa kaliya 50-50 lagu qiimeeyay xaaladiisa.

Nacho Monrea, Laurent Koscielny iyo Olivier Giroud ayaa weli dhaawacan, laakiin Sead Kolasanic ayaa kusoo laaban kara kulankaan.

XAQIIQQADA KULANKA

Bournemouth kama badin Arsenal lixdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, waxaana laga dhaliyay ugu yaraan labo gool kulan kasta.

Arsenal ayaa 3-0 kasoo laabatay xilli ciyaareedkii hore kulan ay wajahayeen Bournemouth, waana marka kaliya oo ay kasoo laabteen goolal saddex ah horyaalka Premier League.

Cherries ayaa laga  dhaliyay gool mid kasta oo ka mid ah sagaalkoodii kulan ee ugu dambeyay Premier League – kaliya Stoke ayaana ka badan.

SAFAFKA MACQQUULKA AH

Bournemouth: Begovic, Smith, Francis, S. Cook, Daniels, Ibe, L. Cook, Arter, Pugh, Afobe, Wilson

Arsenal: Cech, Chambers, Mustafi, Holding, Bellerin, Iwobi, Xhaka, Maitland-Niles, Ozil, Sanchez, Lacazette

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan