DHABARJABKA LIVERPOOL: Xiddig muhiim ah oo ka maqnaan doona kooxda Jurgen Klopp kulanka ay caawa wajahayaan Man City!

0
1135

Sida ay ku warameyso majaladda Liverpool Echo ee lagu ixtiraamo xogta kooxda Liverpool, daafaca reer Holland Virgil van Dijk ayaan caawa Liverpool u safan doonin kulankiisii ugu horreeyey ee hortyaalka England Premier League.

Virgil van Dijk ayaa seegi doona kulanka ay wiilasha tababare Jurgen Klopp wajahayaan hogaamiyeyaasha horyaalka Premier league ee Manchester City.

Daafaca reer Holland Virgil van Dijk ayaa wuxuu kulankaan ku seegayaa dhaawac bowdada ah, kaasoo uu maalmihii u dambeeyey la dhibtoonayey.

Van Dijk ayaa dhaliyey goolka guusha kulankiisii ugu horreeyey ee uu u ciyaaro Liverpool, ciyaartaasoo ay wajaheen kooxda Everton kana tirsaneyd koobka FA Cup.

Si kastaba ha ahaatee, daaficii hore ee Southampton ayaa caawa seegaya kulanka kooxda Man City, taasoo dhabarjab ku ah tababare Jurgen Klopp.

Tababare Jurgen Klopp ayaana la filayaa inuu dib ugu yeerto daafaca reer Croatia Dejan Lovren kaasoo ka garab ciyaari doona Joel Matip kulanka ay Red wajaheyso Sky Blues.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan