DEG DEG: Alexis Sanchez oo aan la safrin Arsenal kulanka Bournemouth iyo faahfaahin laga helay arrintaan!

0
894

Wararka ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa si aad ah la iskula dhexmarayaa maanta oo Axad ah.

Wararkii ugu dambeeyey ayaana waxay haatan sheegayaan in Alexis Sanchez uusan la safrin kooxda Arsenal ee galabta wajaheysa kooxda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka England Premier League oo galabta 4.30pm laga daawan doono geeska Africa.

Sida ay sheegayaan inta badan wargeyska England, Alexis Sanchez ayaan kulankaan ula safrin kooxdiisa Arsenal.

Xaqiiqadu waxay tahay inuu Alexis Sanchez Jimcadii tababarka la qaatay Gunners.

Si kastaba ha ahaatee, waan arki doonaa haddii sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarka Arsenal ay tahay inuu si degdeg ah ugu biirayo midkood seddaxda kooxood ee xiisaha ugu ballaaran u qaba Manchester City, Manchester United iyo Liverpool oo goordambe kusoo biirtay.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan