Arsene Wenger oo ka hadlay xaaladda Alexis Sanchez – Kama uusan farxin taageereyaasha Arsenal!

0
1162

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa la hadlay taleefashinka Sky Sports, iyadoo wax laga weydiiyey mustaqbalka Alexis Sanchez iyo sababta uu uga reebay kooxdiisa Arsenal ee la ciyaareysa Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka England Premier League galabta oo Axad ah.

“Mugdi ayuu ku jiraa waqti xaadirkaan, xaaladda mustaqbalkiisa lama go’aamin haddii uu kooxda ka tegayo iyo haddii uu sii joogayo, sidaas darteed waxaan uga soo tegay gurigiisa.” Wenger ayaa sidaasi u sheegay Sky Sports.

Wariyaha wareystay Wenger ayaa weydiiyey, inoo turxaanbixi waxa aad ula jeedo hadalkaaga hal waddo ama mid kale (One way or the other), ma waxaad ula jeedaa si dhaqsi ah ayaa loo go’aaminayaa mustaqbalka Alexis Sanchez?

Wenger wuxuu ku jawaabay: “Haa, sidaas ayaan ula jeedaa, balse ha akhrin jumladdaan wax badan maxaa yeelay aniguba ma ogi haddii uu joogi doono iyo haddii uu bixi doono, mana caddeyn karo dhanka ay wax u dhici doonaan.

“Waxaan doonayaa inaan diiradda saaro ciyaartoyda garoonka usoo gelaya kooxda kulankaan, kuwaasoo wax wanaagsan inoo qaban kara”.

Wariyaha ayaa weydiiyey Wenger markii ugu dambeysay, ma inoo sheegi kartaa haddii uu Alexis Sanchez baxayo? – Wenger ayaase ku jawaabay: “Maya”.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan