WALIGAY MA BAXAAYO: Arsene Wenger Oo Biyo Qabow Ku Shubay Wararka Sheegaya Inuu Ka Tagayo Arsenal

0
492

Ka dib cadaadiska qaar ka mid ah taageerayaasha Gunners saarayaan tababare Arsene Wenger, tababaraha qti dheer ee Gunners ma qorsheynayo inuu ka tago kooxda.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu weli ku kalsoon yahay shaqadiisa kooxda Arsenal, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuusan qorshaha ugu jirin inuu baxo ka hor dhamaadka qandaraaskiisa 2019.

Ka hor inta uusan u safrin Bournemouth Axada, Wenger ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya taageerayaasha xili kooxdiisii Gunners fadhido booska lixaad ee horyaalka.

Arsenal ayaa haatan shan dhibcood ka dambeysa kooxda kaalinta afaraad ee Liverpool, waxaana sidookale laga soo reebay wareega saddexaad ee tartanka FA Cup markii ugu horeysay tan iyo intii uu macalin u noqday Arsenal.

Arsenal ayaa seegtay tartanka Champions League xilli ciyaareedkan ka dib markii ay kaalinta shanaad ee Premier League ku dhameysteen xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Wenger ayaa heshiis cusub u saxiixay Arsenal sannadkii hore, waxaana uu sheegay inuu dhameysan doono qandaraaskiisa.

“Miyaan waligay ka tagayaa halkaan? Marna maxaan u bedelayaa?” ayuu yiri. “Had iyo jeer waan go’aamiyaa shaqada.

“Waxaan halkaan joogaa 21 sanadood, waxaan kaliya sameeyaa, go’aan kasta oo aan u arko midka ugu saxan “ayuu yiri Wenger.

“Haddii aan sii joogo hal sano ama 10 sano, waa isku mid,” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Hadii aniga aan mas’uul ka ahay ama qof kale waa isku mid, waxaad sameyn kartaa kaliya waxa ugu fiican kooxda, taasina waa wax cad ayuu yiri Wenger.

Wenger, oo 68 jir ah ayaa madax ka ah Arsenal tan iyo 1996kii, waxaana uu kula guuleystay seddex Premier League iyo todobo FA Cup.

Arsenal ayaa ku sugan semi-finalka Carapa, waxaana sidookale kooxda reer Sweden ee Ostersund kula ciyaaari doonaan wareega 32kii ee Europa League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan