“Waa Ka Dhamaatay” Taageerayaasha Real Madrid oo si xun baraha bulshada ugu bahdilay Cristiano Ronaldo.

0
2136

Real Madrid ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Villarreal kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxeyna aheyd guuldaradii 4-aad ee soo gaartay kulamada horyaalka, sidoo kalana waa midii sadexaad ee kusoo gaartay Santiago Bernabeu.

Los Blancos dhibaatada xun ayaa heysata xilli ciyaareedkaan, madama ay 16-dhibcood ka dambeeyaan kooxda ay sida weyn ugu xifaaltamaan ee Barcelona, sidaas darteed qof walba wuxuu tuhmayaa iney eeda cid gaar ah leedahay.

Jamaahiirta kooxda Madrid qaarkood ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo uu yahay dhibka ugu weyn ee kooxda sidaas darteed la iska diro ugu yaraan ama kooxda laga reebo.

 

“Cristiano Ronaldo waa ka dhamaatay, waa taariikh, waana rakaab” ayuu soo qoray Makaveli qof ku isticmaala twitter-ka.

“Caqli ahaan sanadkaan wuxuu noqon doonaa midkii Ronaldo uu iska weyn lahaa musharaxiinta Ballon d’Or ama uu baab’i lahaa” ayuu soo qoray ZED.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan