Sky Sports News oo xog dheeraad ah ka heshay wararka sheegaya inay Liverpool si degdeg ah usoo qaadaneyso Naby Keita

0
822

Kooxda Jarmalka ah RB Leipzig iyo camaaliqada ka dhisan Ingiriiska ee Liverpool ayaa waxay ka wadahadleen suurtogalnimada la xiriirta inuu burburiyaha reer Guinea Naby Keita xilli hore kusoo biiro kooxda ka dhisan Anfield Road.

Taleefashinka Sky Sports News ayaa fahamsan in labada dhinac RB Leipzig iyo Liverpool aysan weli wax heshiis ah gaarin.

Wararka kasoo baxaya dalka Germany ayaa sheegaya in laga yaabo inuu Keita kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaro kooxda ka ciyaarta horyaalka Bundesliga maanta oo Sabti ah marka ay Schalke ku wajahaan garoonka Red Bull Arena.

Warbaahinta Ingiriiska ayaana soo jeedineysa in Keita uu Axadda dhammeystiri doono kusoo biirista kooxda ka dhisan gobolka Merseyside.

Liverpool ayaa bishii August ee sannadkii tegay waxay heshiis la gaartay kooxda RB Leipzig balse waxay ku heshiiyeen in xiddiga reer Guinea uu kusoo biiro Reds xagaaga soo aadan, haddase maamulka Liverpool ayaa doonaya inay si degdeg ah usoo qaataan Keita oo ay bedel kaga dhigaan Philippe Coutinho.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan