Shaxda rasmiga ah kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo la shaaciyey – Yaa ku soo bilowday kulanka ka dhacaya Stamford Bridge?

0
511

Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Chelsea iyo Leicester City ee horyaalka Premier League galabta.

Chelsea ayaa dooneysa inay siddeed kulan oo Premier League ah ku guuleysato garoonkeeda marka ay Leicester City soo dhaweynayso maqribkaan.

Kante ayaa ka hortagaya kooxdiisii hore ee Foxes, waxaana uu ku soo bilowday safka hore, laakiin Drinkwater ayaan wajahaynin kooxdiisii hore ee Liecester oo ka maqan gabi ahaanba shaxda Blues.

Dhinaca kale Jamie Vardy ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Leicester City, waxaana uu ku soo bilowday safka hore ee kulankan ay booqanayaan Chelsea.

SHAXDA LABADA KOOXOOD OO DHAMMAYSTIRAN HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Safka hore ee Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Cahill, Rudiger; Moses, Bakayoko, Kante, Fabregas, Alonso; Hazard, Morata.

Keydka Chelsea: Caballero, Christensen, David Luiz, Zappacosta, Willian, Pedro, Batshuayi.

Safka hore ee Leicester City: Schmeichel, Amartey, Dragovic, Maguire, Chilwell, Mahrez, James, Ndidi, Albrighton, Okazaki, Vardy.

Keydka Leicester: Hamer, Benalouane, Fuchs, Iborra, Gray, Iheanacho, Slimani.

Garooraha ciyaarta: Mike Jones (England)

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan