RASMI: Kooxda Barcelona oo maanta soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Yerry Mina…+ SAWIRRO

0
889

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Yerry Mina, kaasoo si rasmi ah uga mid noqday bishaan kooxda ka arrimisa garoonka Camp Nou.

Difaaca reer Colombia ayaa si rasmi ah u saxiixay maanta heshiiskiisa cusub ee uu ugu biiray Barcelona, waxaana uu Mina qalinka ku duugay heshiis shan sanadood iyo bar ah.

Xiddiga ugu dheer Barcelona ee Yerry Mina ayaa lagu soo bandhigay garoonka Camp Nou.

23-sano jirkaan ayaa noqonaya laacibkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Colombia ee tartan rasmi ah u ciyaara Barcelona sida uu xaqiijiyay madaxwaynaha kooxda.

“Xaaladda Yerry Mina muddo dheer ayaan la soconay, xagaagii ayaan isku daynay saxiixiisa, waana ku guuldarreysanay, haatan ayey noo suurtagashay waxaana laacibkeenna.” Sidaa waxaa yiri Madaxweynaha Barcelona kaddib markii uu xiddigan qalinka ku duugay heshiiska cusub.

“Wax badan ayuu inoo qaban doonaa Yerry Mina, waa xirfadle sare, waana ciyaaryahankii ugu horreeyey taariikhda ee Colombian ah ee u ciyaara Barcelona, waxaana ku soo dhaweynaynaa qoyska Blaugrana.”

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan