Qabiir Paul Merson waxaa kasoo yeeray hadal taageerayaasha Chelsea naxdin galiyay

0
1719

 

Qabiir Paul Merson oo ka tirsan falanqeeyayaasha Sky Sports horeyna kooxda Arsenal ugu cayaari jiray ayaa kasoo yeeray hadal taageerayaasha Chelsea aan farxad galinin.

Paul Merson ayaa dab kusii shiday arinka ku aadan in Eden Hazard xagaaga dambe kooxda Real Madrid aadi doono.

Hazard waxaa jir ahaan iyo maskax ahan ka muuqato inuusan la dhacsaneyn la shaqeynta macalin Antonio Conte oo isagana dhaqan ka dhigtay inuu hogaamiyaha Blues kulan walbo badalo.

Chelsea todobaadkii hore waxay £15million  kaga soo qaateen Rose Barkley naadiga Everton wuxuna Paul Merson sheegay in cayaaryahankan Hazard badal u noqon doono.

Merson wuxuu yiri “Taageero weyn ayaan u ahayd Barkley hadana wuxuu noqon doonaa badalka Hazard”

“Sidaas waxaan u leeyahay cayaaryahankaaga kuugu muhiimsan marka aad kulan walbo badaleysid micnaheeda waxay tahay in macalinka uu kooxda sii baraayo in cayaaryahankaas laga maarmo”

“Waxaan 10% ku sharad tami karaa in Hazard xagaagan Real Madrid ku biiri doono waayo Chelsea maba ku dadaaleyso sidii ay xidigeeda u ilaashan laheyd ee waxay marwalbo qaadeysaa talaabo ay u muujineyso inay kaga maaranto!”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan