Muxuu yiri Yerry Mina markii uu maanta ka mid noqday kooxda Barcelona?

0
1017

Difaaca reer Colombia ee Yerry Mina ayaa maanta oo Sabti ah taageerayaasha hortooda lagu soo bandhigay kaddib markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda Palmeiras.

Yerry Mina ayaa maanta lagu soo bandhigay garoonka Camp Nou kaddib markii uu heshiis shan sanadood iyo bar ah qalinka ugu duugay kooxda Barcelona.

23-sano jir ah oo ah xiddiga ugu dheer haatan kooxda Barcelona ayaa noqonaya laacibkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Colombia ee tartan rasmi ah u ciyaara Barcelona.

Haddaba kaddib markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub ee Barcelona laguna soo bandhigay garoonka Camp Nou muxuu yiri Yerry Mina?:-

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan joogo Barcelona, waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii suuragalka ka dhigay inaan imaado kooxda ugu wanaagsan adduunka.” ayuu yiri Yerry Mina.

“Waxaan halkaan u imaaday inaan wax badan barto oo aan ku guuleysto koobab waa weyn.”

“Waa arrin aan aad ugu qanacsanahay, had iyo jeer waxaan u shaqeynayay sidii aan u heli lahaa waxa aan hadda haysto, waxaan doonayaa inaan taariikh ka dhigo Barca.”

“Waxaan ku faraxsanahay waxa aan arko, waxaana rajeynayaa inaan halkaan ku dhoolo-caddeyn doono oo aan guulo ku gaari doono.”

“Dhulka ayaan ku heyn doonaa lugaheyga, indhaheygana samada ayaan ku eegi doonaa, ma garanayo erayo aan ku qeexo sida aan u faraxsanahay.”

Dhinaca kale mar uu saxiixa cusub ee Barcelona Yerry Mina, ka hadlayey Lionel Messi ayaa waxa uu yiri: “Messi waa kan ugu fiican Adduunka, waa mid cajiib ah inaan ka garab ciyaaro, waxay ii tahay mid gaar ah.”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan