Manchester United oo dejisay qorshihii ugu dambeeyey ee ay goolhaye David de Gea uga ceshaneyso Real Madrid

0
733

Manchester United ayaa diyaar u ah inay qaado tallaabadii ugu dambeysay ee ay ku hubineyso mustaqbalka waqti fog ee goolhayeheeda David de Gea.

Maamulka Manchester United ayaa doonaya inay sii ceshadaan goolhayaha heerka caalami ee dalka Spain David de Gea kaasoo billihii ugu dambeeyey ay xiiso xoog leh usoo bandhigeysay kooxda Real Madrid.

Los Blancos ayaa dooneysa inay 27 sanno jirkaan David de Gea kusoo celiso horyaalka La Liga, waxaana xusid mudan inuu qandaraaskiisa Man United dhacayo xagaaga 2019ka.

Si kastaba ha ahaatee, wararka maanta kasoo baxaya England ayaa sheegaya in Red Devils ay diyaar u tahay inay David de Gea ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Old Trafford si ay ugu qanciso inuu saxiixo qandaraas cusub oo muddo dheer ah.

David de Gea wuxuu haatan Man United Isbuucii ka qaataa 210 kun oo ginni, balse haddii uu saxiixo qandaraaskaan cusub waxaa mushaarkiisa laga dhigi doonaa 300 kun oo ginni.

Isaga iyo Paul Pogba ayaana noqon doona labada ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan Old Trafford.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan