HORDHAC: Real Madrid vs Villarreal- LOS BLANCOS Oo Guul U Baahan Marka Ay Bernabeu Ku Qaabileyso Yellow Submarine

0
593

Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay kusoo laabato wadada guusha horyaalka La Liga marka ay Villarreal kusoo dhaweynayaan Bernabeu caawa oo Sabti ah.

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa haatan ku jirta kaalinta 4aad, iyagoo 16 dhibcood ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee Barcelona.

Dhanka kale, Villarreal ayaa fadhida kaalinta lixaad, waxaana ay afar dhibcood ka dambeyaan kooxda Real Maadrid ka hor kulankooda.

OGEYSISIKA CIYAARTA

GAROONKA: Bernabeu

SAACADA: 6:15 PM

MAXAA CUSUB?

Dani Carvajal ayaa kusoo laaban doona line-upka ka dib markii uu ganaax ku seegay ciyaartii ugu dambeysay La Liga, laakiin Sergio Ramos iyo Benzema ayaa weli kusoo laaban tababarka Real Madrid.

Nacho iyo Carvajal ayaa noqon kara labada ciyaaryahan ee kaliya kusoo laabta safka Real Madrid kulanka ay soo dhaweynayaan kooxda Villarreal .

Keylor Navas, Marcelo, Toni Kroos, Luka Modric, Ronaldo iyo Bale oo dhamaantood la nasiyay kulankii ugu dambeeyay ayaa diyaar u ah inay kusoo laabtaan safka koowaad ee Madrid.

Isco ayaa la filayaa in la siiyo booska koowaad, isagooo ka garab ciyaaari doona Bale iyo Ronaldo.

Villarreal daafaca dambeedka dhexe ninka kaga ciyaara ee Alvaro Gonzalez ayaa seegi doona kulankaan sabab la xiriirta ganaax, laakiin Manu Trigueros ayaa kusoo laabtay line-upka.

Samu Castillejo ayaa noqon kara ciyaaryahanka ugu fiican qeybta weerarka Villarreal, iyadoo Carlos Bacca, Dani Raba iyo Enes Unal dhamaantood la filayaa inay ciyaaraan.

XAQIIQADA KULANKA

Real Madrid ayaa 3-2 kaga badisay Villarreal markii ugu dambeysay oo ay labada kooxood ku kulmeen Estadio de la Ceramica.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay labada kooxood ku kulmeen Bernabeu xilli ciyaareedkii hore waxaa kulankooda uu kusoo dhamaaday barbaro.

Villarreal ma aysan garaacin Los Blancos horyaalka tan iyo markii ay 1-0 kaga badiyeen garoonkooda bishii December 2015kii, taasina waxay aheyd guushoodii ugu horeysay oo ay ka gaaraan Madrid tan iyo bishii May 2009kii.

Inkastoo ay ku dhibtootay Villarreal on ay garaacdo Real Madrid; Yellow Submarine kooxda lagu naynaaso ayaa laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen Bernabeu.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Real Madrid:Navas; Carvajal, Nacho, Varane, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Isco, Ronaldo, Bale

 Villarreal:Asenjo; Gaspar, Bonera, Ruiz, Costa; Fornals, Trigueros, Rodri; Raba, Bacca, Unal

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan