Goorma ayuu garoomada kusoo laaban doonaa Zlatan Ibrahimovic? – tababare Jose Mourinho ayaa ka jawaabaya.

0
513

Tababare Jose Mourinho ayaa ka hadlay waqtiga ay macquulka tahay inuu garoomada kusoo laabto weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic, wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa ilaa dhamaadka bishaan.

Kabtankii hore qaranka Sweden ayaa dhaawac dib u dhac ah uu ku yimid kulankii ay 0-0 kooxdiisa la gashay Southampton, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnanayo ilaa isbuuca ugu horeeya ee February.

April 2017 ayuu dhaawac jilibka ah garoomada uga baxay, balse heshiis kordhin hal sano ah ayuu helay xidigaan heerka caalami, inkastoo aan la fileynin inuu sanad kale sii joogi doono Old Trafford.

“Zlatan waa dhaawac ama gabi ahaanba kuma faraxsana xaaladiisa”

“Waxaa la taliyay dhaqtarkeena, wuxuuna qaatay go’aan uu ciyaaraha uga joojinayo, wuxuu tababarka kusoo laabanaa dhamaadka January ama bilowga February”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan