Football Whispers: 10ka heshiis ee dhammeystirka ku dhow waqti xaadirkaan – xiddigee ayaa kusoo jeeda kooxdaada?

4
1494

Shabakadda Football Whispers oo bahwadaag la ah Sky Sports ayaa soo saartay liiska 10ka ciyaaryahan ee waqti xaadirkaan uu heshiiskoodu dhammeystirka ku dhow yahay, waana qiimeyntooda duhurnimo xilliga Somalia.

Waxaa xusid mudan in heshiis walba uu ku dhammeystirmo 5 dhibcood qiimeynta shabakadda Football Whispers, oo ah shabakaddii ugu horreysay ee saadaal ka bixisa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Xogtii ugu dambeysay ee ay soo bandhigtay Football Whispers waxaa ugu horreeya kubadsameeyaha u dhashay Jarmalka Leon Gorotzka iyadoo xiddigaani uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda Bayern Munich.

Garablaha u dhashay dalka Brazil Lucas Moura ayaa 4.2 dhibcood lagu qiimeeyey heshiiska la filayo inuu kula soo biiro kooxda Manchester United, oo kasoo qaadaneysa PSG.

Halkaan hoose ayaad ka heli kartaa xogta 10ka ciyaaryahan ee waqti xaadirkaan qarka u saaran inay ka tagaan kooxahooda kuna biiraan kooxo cusub, waxaana lasoo qaatay xiddigaha ugu magaca weyn ee waqtigaan saaran suuqa kala iibsiga.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

4 Fikradaha Akhristayaasha

    • Sxb Mascuud wararkaas xanta ah maanta ayey ku jiraan suuqa.
      Manchester United ayaa xiriir la sameysay Arsenal iyadoo ka dooneysa faahfaahin ku saabsan qaabka ay kula wareegi karto Sanchez.
      Wargeyska Daily Star ee dalka England ayaana qoray inay Arsenal ku xujeysay maamulka Man Utd in Martial laga dhigo qeyb ka mid ah heshiis walba oo ay kula wareegayaan Sanchez.
      Arsenal taasi faa’iido weyn ayey u noqon laheyd, maadaama lacag iyo Martial oo bedel toos ah u noqon kara Sanchez ay heli lahaayeen.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan