EPL: Kooxda Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge barbaro kula gashay Leicester City oo kaarka cas laga qaatay

0
316

Kooxaha Chelsea iyo Leicester City ayaa ku kala baxay barbaro goolal la’aan 0-0 kulankii ka dhacay garoonka Stamford Bridge ee ka tirsan horyaalka Premier League.

Kulankan Chelsea waxaa kaga dhaawacmay Kabtankeeda Gary Cahill, kaasoo garoonka laga saaray daqiiqaddii 33-aad ee qeybtii hore kaddib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa dambe ee bowdada ah, waxaana lagu bedelay Andreas Christensen.

Waxaa kulankan fursado dhowr ah oo ay hoggaanka ku qaban kartay iska khasaarisay qeybta hore kooxda Leicester City, iyadoo Chelsea qudheedu heshay fursado, laakiin koox shabaqa tagtay ma jirin, qeybta hore ee ciyaartan ayaana lagu kala nastay barbaro 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa Leicester City, kaarka cas ka qaatay Ben Chilwell, kaddib markii uu guddoomay kaarkiisa labaad ee Jaalaha markii uu qalad ku galay Moses.

Ben Chilwell markii uu ka baxay ciyaarta Chelsea ayaa xukunka ciyaarta la wareegtay laakiin waxa ay ku guuldarreysteen inay gool dhaliyaan.

Fursad dahabi ah ayaa soo martay Blues, waxaana daqiiqadihii lagu kordhiyey ciyaarta ay heleen laad xor ah oo toos ah, laakiin kubbadaas oo uu afka hore ee goolka ka soo tuuray Alonso waxaa ka beeliyey goolhayaha Foxes ee Kasper Schmeichel, kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0.

Chelsea ayaa iska lumisay fursad ay kaga sare mari kartay kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Manchester United, laakiin hadda inkastoo ay dhibcaha la wadaagto Man United oo ay leeyihiin min 47-dhibcood haddana Blues waxa ay iska sii fadhin doontaa kaalinta saddexaad.

NATIIJOOYINKA KULAMADII KALE EE LA CIYAARAY MAANTA HORYAALKA PREMIER LEAGUE:-

FT Crystal Palace 1 – 0 Burnley

FT Huddersfield Town 1 – 4 West Ham United

FT Newcastle United 1 – 1 Swansea City

FT Watford 2 – 2 Southampton

FT West Bromwich Albion 2 – 0 Brighton & Hove Albion

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan