David De Gea oo ugu dambeyn diyaar u ah inuu ku biiro Real Madrid – waase haddii loo fuliyo labadaan shuruud

0
1202

Goolhayaha kooxda Manchester United David De Gea ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay maamulka kooxda Real Madrid inuu ugu dambeyntii diyaar u yahay usoo dhaqaaqista garoonka Santiago Bernabeu Stadium – laakiin waa haddii laga aqbalo labadaan shuruud ee uu miiska soo saaray.

Real Madrid ayaa xagaagii 2015kii ku guuldarreysatay saxiixa goolhayaha Manchester United David De Gea wuxuuna heshiiskaasi fashilmay daqiiqaddii ugu dambeysay, inkastoo ay bixin laheyd 30 milyan oo ginni oo kaash ah iyo goolhayeheeda dooqa koowaad Keylor Navas.

Wixii intaas ka dambeeyey David De Gea ayaa qandaraas cusub u saxiixay Man United, balse marnaba ma aysan joogsan wararka xanta ah ee la xiriirinaya kooxda Los Blancos.

Sida laga soo xigtay website-ka Don Balon ee dalka Spain, De Gea ayaa u sheegay maamulka Real Madrid inuu diyaar u yahay inuu dhammaadka xilli ciyaareedkaan kusoo biiro isagoo dib ugu soo laabanaya horyaalka La Liga, waase haddii labadaan shuruud loo fuliyo goolhayaha dooqa koowaad ee Manchester United.

Shuruudda koowaad ee goolhaye De Gea uu hordhigay madaxweyne Florentino Perez waxay tahay inuu gabi ahaanba kooxda ka diro goolhayaha reer Costa Rica Keylor Navas – maadaama uusan dooneyn in lagu cariiriyo booska dooqa koowaad.

Shuruudda labaad ee uu goolhaye De Gea hordhigay Real Madrid waxay tahay in ay si degdeg ah ugala wareegaan Don Balon, maadaama uusan dooneyn inuu markale ku lug yeesho sheeko xan ah oo waqti dheer qaadata oo ku saabsan mustaqbalkiisa sidii dhacday seddax sanno ka hor.

De Gea ayaana doonaya inay Real Madrid dhammeystirto saxiixiisa ka hor Koobka Adduunka ee ka dhici doona Russia, isagoo ah goolhayaha dooqa koowaad ee xulka Spain.

Xulka tababare Julep Lopetegui ayaana hal guruub kula jira xulalka Portugal, Morocco iyo Iran.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan