Chelsea oo iskoor xun oo aan taariikhda soo marin ayay kulankii Leicester ka dhaxashay

0
654

 

Macalin Antonio Conte kooxdiisa Chelsea waxay 0-0 la dhaafi weesay naadiga Leicester City kulan ka tirsanaa Premier League.

Blues haatan waxay leeyihiin 47-dhibcood ayagoo la wadaagaan Man United balse United kulan ayaa baaqi u ah si la mid ah Chelsea waxay sedex dhibcood ka sareeyaan Liverpool oo kulan baaqi u yahay.

Hadaba Chelsea bar bar dhicii gool la’aanta Leicester waxay ka dhaxleen iskoorkii ugu xumaa taariikhda kooxdan ee ah inay ku fashilmato sedex kulan xariir ah dhamaan tartamada kala duwan inaysan wax gool ah dhalinin.

Chelsea iyo sedexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay cayaartay sidoo kalena wax gool ah dhalin weesay dhamaan tartamada kala duwan:

Leicester 0-0 (EPL)

Arsenal 0-0 (EFL Cup)

Norwich City 0-0 (FA Cup)

Chelsea kulankeeda xiga arbacada nagu soo fool leh waxay la cayaari doontaa naadiga Norwich City kulan isku celis ah wareega 3-aad FA Cup-ka waxaana la dhowri doonaa wiilasha Conte sida ay isaga dul qaadi karaan culeeska dusha ka saaran.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan