Chelsea N’Golo Kante Man United kaliya kama dooneyso sidoo kale PSG ayaa soo dalbatay

0
877

 

Kooxda Chelsea ayaa ka walaacsan in cayaaryahankeeda khadka dhexe u maamulo N’Golo Kante  haatan soo dalbatay ama xiiseeneyso saxiixiisa naadiga PSG.

Blues ayaa horey walaac uga muujisay in macalin Jose Mourinho uu meel fagaaro ah ka sheegay maamulkiisa United inuu ka doonayo in N’Golo Kante loo soo gacan galiyo.

L’Equipe ayaa qortay in PSG ay dooneyso inay khadka dhexe iska xoojiso madaama ay dhanka weerarka iska dhistay kadib saxiixyadii Neymar iyo Mpabbe ayagoo horey u heesteen Cavani.

N’Golo Kante oo waligiis ku riyoon jiray u cayaarista PSG lama ogo inuu dalabka heerka sare kooxdan dhaqaalaha xoogan heesato diidi doono marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Sidoo kale N’Golo Kante wuxuu ka walaacsan yahay xaalada kooxdiisa Chelsea ku sugan tahay ayadoo laga cabsi qabo in macalin Conte kooxda laga racadeeyo sidoo kalena Hazard iyo goolhaye Courtious ay kooxda isaga tagaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan