Antoine Griezmann oo diyaar u ah inuu ku biiro Real Madrid haddii ay fulinayaan shan shuruud oo uu muuska soo saaray

0
1149

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay maamulka kooxda Real Madrid inuu iska diidi doono ku biirista kooxda Barcelona isla markaana uu bedelkeeda Los Blancos imaan doono haddii ay kasoo baxaan shan shuruud oo uu miiska soo saaray.

Antoine Griezmann ayaa billooyinkii ugu dambeeyey waxaa saxiixiisa lala xiriirinayey kooxaha Real Madrid iyo Barcelona – iyadoo maamulka Atletico Madrid ay isha ku hayaan inay iibiyaan xiddigaan.

Laacibka heerka caalami ee dalka France Griezmann, ayaa waxaa sidoo kale doonaya kooxda ugu guulaha badan horyaalka England Premier League ee Manchester United, sababta ugu weyn ee uu uga tegayo kooxda tababare Diego Simeone ayaana ah inuu ku biiro koox uu koobab badan la qaadi karo.

Barcelona ayaa Isbuucyadii ugu dambeeyey u muuqatay kooxda ugu cadcad saxiixa Griezmann iyadoo xiddigaan ka dhigeysa bedelka weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez.

Balse shabakadda Diario Gol ee dalka Spain ayaa maanta daaha ka qaaday inuu Antoine Griezmann diyaar u yahay inuu dhabarka xijiyo Barcelona bedelkeedana u saxiixo Real Madrid, haddii maamulka Los Blancos uga u fuliyaan shantaan shuruud.

Shuruudda koowaad waxay tahay, Antoine Griezmann wuxuu doonayaa inay Real Madrid u ballan qaado boos joogto ah, inkastoo ay xaqiiqadu tahay in Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Karin Benzema ay yihiin weeraryahanno waa weyn oo booska ku cariirin kara.

Shuruudda labaa waxay tahay, 26 sanno jirkaan ayaa ka doonaya Real Madrid inay sameyso tallaabo walba oo ay uga caawin karto rumeynta riyadiisa ah inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Antoine Griezmann ayaa sidoo kale sannadkii mushaar ahaan u doonaya in ka badan 10 milyan oo ginni, waana shuruudda seddaxaad.

Shabakadda Diario Gol ayaa sheegeysa in shuruudda afaraad ay tahay inuu Griezmann ka rabo maamulka Real Madrid inay lasoo wareegaan ciyaartooy waa weyn oo kooxda lagu sii xoojiyo – xilli Ronaldo, Sergio Ramos, Marcelo iyo Luke Modric ay dhammaantood ka muuqato saameynta dhallintu qaab ciyaareedkoodana saameysay.

Shuruudda shanaad, ahna midda ugu adag ee uu Griezmann maamulka Real Madrid miiska usoo saaray si uu uga doorto Barca waxay tahay in aysan raacdeyn tababaraha uu cadaadisku saaran yahay Zinedine Zidane, kaasoo uu taageere weyn u yahay isku dalna ay kasoo jeedaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan