Zinedine Zidane oo laga ceyrin doono shaqada Real Madrid & tababaraha badali doona oo durba la ogaaday.

0
867

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa iney durba ka fakareyso ceyrinta tababare Zinedine Zidane, balse waa hadii uu dhaafi waayo kooxda Paris Saint Germain kulanka wareega 16-ka Champions League sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga.

La Stampa ayaa daabaceysa in Florentino Perez uu laba sanadood ka hor la hadlay Joachim Low si uu xilka tababaranimo ee Real Madrid ugu dhiibo, macalinka reer Germany wuu ka biyo diiday inuu imaado caasimadda madama uu mar walba doonayo inuu isku dayo difaacashada koobka Aduunka.

Si kastaba hadii Low uu ku fashilmo inuu difaacdo koobka Aduunka, waxaa la filayaa inuu yimaado garoonka Santiago Bernabeu si uu badal ugu noqdo Zinedine Zidane oo xaalad xun la qaadanaya kooxdiisa.

Dhanka kale Zidane ayaa shaaca ka qaaday inuu ogolaaday heshiis cusub kadib kulankii ay barbardhac la galeen Numancia ciyaar ka tirsan Copa del Rey, waxaana la filayaa inuu gaarsiiyo ilaa 2020.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan