Warbixin cusub oo kusoo korortay mustaqbalka Alexis Sanchez xilli Guardiola & Mourinho ay u muuqdaan iney kala adkaadeen.

0
2099

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa iney qarka u saaran tahay iney dhigeeda Man City kaga adkaato saxiixa Alexis Sanchez madama ay diyaar u tahay iney fuliso rabitaanka xidiga reer Chile.

Citizens ayaa aheyd waqti dheer kooxda ugu cad-cad saxiixa Sanchez, balse warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga ayaa sheegaya in Citizens aysan diyaar u aheyn iney bixiso 35 Malyan oo Pound oo lagu xiray madaxa xidigaan iyo sidoo kale mushaaraadka uu dalbaday oo ah mid aan loo dhawaan karin.

Sky Sports Italia waxey shaaca ka qaaday in Red Devils ay hadda qarka u saaran tahay iney heshiis shaqsi ah la gaarto xidiga reer Chile, waxeyna diyaar u tahay iney bixiso rabitaan walba oo uu doonayo xidigaan.

Dhinaca kale Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Alexis Sanchez aan la fasixi doonin ilaa laga helo badalkiisa, waxeyna ku raad joogtaa xidigaha Thomas Lemar & Malcom oo ka wada ciyaara horyaalka faransiiska.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan