Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo shaaciyey in Virgil van Dijk uusan wajihi doonin kooxda Manchester City

0
1102

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si maldahan u sheegay inuusan gacan ka geysan doonin Virgil van Dijk kulanka Premier League ee ay wajahayaan Manchester City.

Isbuucii la soo dhaafay difaaca ugu qaalisan dunida ee Van Dijk ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay Reds, tan iyo markii ay 75 milyan oo gini uga soo qaateen Southampton, waxaana uu dhaliyey goolkii ay Liverpool guusha kaga qaatay Everton wareegga saddexaad ee FA Cup.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Klopp ayaa soo jeediyey in laga yaabo inuu ka tago xiddiga heerka caalami ee dalka Holland kulanka maaliyadda Axadda ah ay soo dhaweynayaan kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League.

50-sano jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Kulankii Everton wuxuu isagu na tusay inuu la qabsan karo shaqada, waxa uu ahaa mid cajiib ah, waa inaan sheegnaa taas, ma hubin ka hor ciyaarta, laakiin waan hubaa kaddib.”

“Kulanka City waa mid gabi ahaanba ka duwan kulamada kale, taatikada waa inay noqotaa mid sida ugu macquulsan ah, ma aanan go’aansan haddii uu diyaar u yahay.”

Man City ayaa si weyn loola xiriirinayey inay soo qaadanayso Van Dijk, ka hor inta uusan difaacan 26-sano jirka ah heshiis u saxiixin kooxda Liverpool.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan