RASMI: Pep Guardiola oo markii afaraad oo xiriir ah loo magacaabay Macalinka bisha horyaalka EPL

0
333

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa loo magacaabay Macalinkii ugu fiicnaa horyaalka England Premier League bishii December ee sannadkii dhammaaday.

Guardiola ayaa markiisii afaraad oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta England Premier League Manager of the Month, iyadoo kooxdiisa Man City aan illaa haatan laga adkaan kulamadeeda horyaalka EPL.

Man City ayaa badisay lix kulan oo horyaalka England Premier League ah oo ay ciyaartay bishii lasoo dhaafay, iyadoo kulamadaas ay ku jiraan guulo ay ka gaartay kooxaha waa weyn ee Manchester United iyo Tottenham ka hor inta aysan barbardhac la gelin kooxda Crystal Palace.

Sidaas darteed tababare Guardiola ayaa bishii afaraad oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta Macalinka bisha horyaalka England Premier League.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan