RAALI AHAAW REAL MADRID: Eden Hazard iyo Thibaut Courtois oo mustaqbalkooda u hibeynaya Chelsea!

0
1091

Eden Hazard ayaa wuxuu xaqiijiyey inuu mustaqbalkiisa u hibeyn doono kooxdiisa Chelsea isla markaana uu saxiixi doono qandaraas cusub.

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa wuxuu xalay oo Khamiis aheyd ka qeybgalay ciyaartii NBA London – iyadoo kooxda Boston Celtics ay garaacday kooxda Philadelphia 76ers ciyaar ku dhammaatay 114-103 – wuxuuna kulankaas la daawanayey xiddigaha kooxda Manchester City Kevin De Bruyne iyo Benjamin Mendy.

27 sanno jirkaan ayaa billihii ugu dambeeyey si xoogan loola xiriirinaayey kooxda Real Madrid, laakiin wuxuu haatan daaha ka qaaday inuu qarka u saaran yahay inuu qandaraas cusub qallinka ugu duugo kooxdiisa Chelsea, balse keligiis ma ahan, sidoo kale goolhaye Thibaut Courtois oo reer Belgium ah ayaa qandaraaska u dheereyn doona Blues.

Hazard ayaa u sheegay majaladda Daily Mirror Football markii la weydiiyey haddii uu qandaraas cusub u saxiixi doono kooxda difaacaneysa horyaalka England Premier League: “Haa, sidaas ayaan u maleynayaa. Balse marka koowaad Thibaut ayaa qandaraas cusub saxiixi doona. Ka dibna aniga ayaa saxiixi doona”.

Laba sanno ayaa haatan ka harsan qandaraaska uu Hazard kula jiro Chelsea, halka qandaraaska goolhaye Courtois uu sannad ka harsan yahay.

Hazard ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jira xilli ciyaareedkaan, isagoo dhaliyey sagaal gool, sideed goolna caawiyey.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan