Miyuu Mohamed Salah taam u yahay inuu wajaho kooxda Man City? – Macallinka Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka jawaabaya

0
955

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Mohamed Salah ay u badan tahay inuu ku jiro shaxdiisa kulanka Premier League ee ay ka horjeedaan naadiga Manchester City.

Salah, kaasoo 23 gool dhaliyey tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan ayaa sababo dhaawac gumaarka ah ku seegay kulamadii kooxdiisa Liverpool ay la kala ciyaartay Burnley iyo Everton.

Si kastaba ha ahaatee, Klopp ayaa soo jeediyey in xiddiga xulka qaranka Masar uu diyaar u noqon doono inuu booskiisa qaato oo uu ku soo bilowdo safka hore kulanka ay Axadda soo dhaweynayaan hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League.

50-sano jirkaan ayaa maanta suxufiyiinta u sheegay: “Isagu si caadi ah ayuu u tababartay, haddii aysan waxba dhacin markaas wuu soo noqon doonaa.”

Liverpool ayaa lacag rikoorka kooxda ah oo dhan 50 milyan oo euro kula soo saxiixatay Salah, waxaana ay ka soo qaateen kooxda Roma xagaagii.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan