Man Utd oo ku dhow inay lasoo wareegto garable u dhashay Brazil iyo 10ka heshiis ee dhammeystirka ku dhow waqti xaadirkaan

0
1824

Shabakadda Football Whispers ee bahwadaagta la ah taleefashinka Sky Sports ayaa soo saartay liiska 10ka ciyaaryahan ee galabkaan uu dhammeystirka ku dhow yahay heshiisyada loogala wareegayo kooxahooda.

Football Whispers waxay qiimeyn ahaan heshiiska dhacay siisaa shan dhibcood, iyadoo dhibco ahaan heshiisyada kusoo xigga ay yihiin kuwo ku dhow in la dhammeystiro.

Kaalinta labaad ee qiimeyntooda galabkaan oo Jimco ah waxaa kasoo muuqday xiddiga weerarka ka ciyaara ee reer Brazil Lucas Moura.

Laacibka reer Brazil ayaa ku dhow inuu ka tago Paris Saint-Germain isagoo kusoo jeeda kooxda 20ka jeer hanatay horyaalka England Premier League ee Manchester United.

Arda Turan oo ka tegaya Barcelona kuna laabanaya dalkiisa Turkiga, Theo Walcott oo kusii jeeda Everton, xiddiga qadka dhexe ee Barcelona oo kusii jeeda Inter Milan oo dalka Italy ah ayaana ka mid ah magacyada ugu weyn liiskaan.

Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaa sidoo kale kasoo muuqday liiskaan iyadoo xiddigaan lagu soo waramayo inuu ku biirayo kooxda Southtampton.

Halkaan hoose ka daalaco liiska 10ka heshiis ee dhammeystirka ku dhow waqti xaadirkaan ee ay soo bandhigtay shabakadda Football Whispers.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan