Macallin Antonio Conte oo mugdi geliyey mustaqbalkiisa Chelsea.. (Muxuu ka yiri wararka sheegaya inuu kooxda ka tagayo?)

0
675

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Antonio Conte ayaa diiday inuu meesha ka saaro wararka isaga la xiriirinaya inuu ka tagayo garoonka Stamford Bridge xagaaga.

Horraantii todobaadkan, waxaa jiray warar soo jeedinayey in macallinka Juventus ee Massimiliano Allegri uu ogolaaday inuu bedelo Conte dhammaadka xilli ciyaareedkan, halka macallimiinta Luis Enrique iyo Diego Simeone ay ku tartamayaan inay ku fariistaan kursiga kulul ee Blues.

Chelsea ayaa weli ku jirta dhammaan afarta tartan xilli ciyaareedkan, laakiin tababare Conte ayaa sheegtay in wax walba ay macquul yihiin isagoo ka hadlayey arrimo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.

48-sano jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Wax walba waa suurtagal. Waxaan haystaa heshiis sanad ah. Wax kasta waa suurtagal. Shaqadayadu waa mid aad u adag. Wax walba way isbedeli karaan”.

Conte ayaa guul gaaray 57 ka mid ah 81 kulan oo uu hoggaamiyey kooxda Chelsea tan iyo markii uu shaqada kooxda qabtay bishii July ee sanadkii 2016-kii.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan