Lambarkee ayuu Francis Coquelin u xiran doonaa kooxdiisa cusub ee Valencia?… + SAWIRRO

0
934

Xiddigii hore ee khadka dhexe Arsenal ee Francis Coquelin ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Valencia ee dalka Spain, waxaana haatan la xaqiijiyey lambarka uu u xiran doono kooxdiisa cusub.

Laacibka reer France ayaa adduun dhan 10.6 milyan oo Gini ugu biiray kooxda ka dhisan horyaalka La Liga.

Sida ay xaqiijisay Valencia Coquelin ayaa kooxdiisa cusub u xiran doona lambarka 17-aad (No.17), kaddib markii uu u saxiixay heshiis dheer oo ku eg illaa bisha June sanadka 2022-ka.

Dhinaca kale Francis Coquelin ayaa durba tababarka la bilaabay kooxdiisa cusub ee Valencia.

SAWIRRO:

TABABARKA:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan