Isku aadka wareegga quarter-finalka Copa del Rey oo lasoo saaray, balse miyey isku aadeen Barcelona iyo Real Madrid?

0
1841

Barcelona ayaa qaabili doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Espanyol iyadoo lasoo saaray isku aadka wareegga quarter-finalka ee tartanka Copa del Rey.

Dhanka kale, Real Madrid ayaa ku beegantay kooxda Leganes, iyadoo labada kooxood ee ugu waa weyn Spain aysan isku beegmin isku aadkii la sameeyey maanta oo Jimco ah, sidaas darteed ma uusan soo bixin kulanka El Clasico.

Atletico Madrid ayaa kulan adag la yeelan doonta kooxda Sevilla, halka Valencia qoorta loo geliyey kooxda Alaves.

Kulamada lugta koowaad ee sideed dhammaadka tartanka Copa del Rey ayaa waxaa la ciyaari doonaa 16ka iyo 18ka bishaan Jannaayo, iyadoo kulamada lugta labaad la ciyaari doono Isbuuc ka dib 23ka iyo 25ka bishaan Jannaayo.

Isku aadka wareegga sideed dhammaadka Copa del Rey oo dhammeystiran:

  • Leganés vs. Real Madrid
  • Espanyol vs. Barcelona
  • Atlético Madrid vs. Sevilla
  • Valencia vs. Deportivo Alavés

    Isku aadka wareegga quarter-finalka Koobka Boqorka Spain oo sawir ah
SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan