Antonio Conte oo qarka u saaran inuu ka tago Chelsea xilli Blues ay calaameysatay seddax tababare oo bedeli kara!

0
730

Maamulka kooxda Chelsea ayaa bilaabay raadinta tababarahooda xigga, iyadoo aysan haatan soo kordheyso suurtogalnimada ku aadan inuu tababare Antonio Conte ka tegi doono kooxda ka dhisan Stamford Bridge dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Qandaraaska uu Antonio Conte kula jiro Chelsea wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka soo aadan, laakiin 48 sanno jirkaan u dhashay Italy wuxuu isku diyaarinayaa inuu ka tago Blues.

Liiska tababareyaasha bedeli kara Conte waxaa hogaaminaya macalinka haatan ee kooxda Juventus Max Allegri iyo macalinkii hore ee Barcelona Luis Enrique.

Sidoo kale, Chelsea ayaa isha ku heysa xaaladda tababare Maurizio Sarri kaasoo kooxda Napoli ka caawiyey inay hogaanka u heyso horyaalka Serie A, laakiin Blues waxay ka warqabtaa sida ay ugu adag tahay inay gacanta kusoo dhigto tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone kaasoo ay muddo dheer raadineysay.

Si kastaba h ahaatee, majaladda Daily Mail oo qortay warbixintaan ayaa waxay daaha ka qaaday in aysan Chelsea soo ceshan doonin macalinka Talyaaniga ah Carlo Ancelotti kaasoo horraantii xilli ciyaareedkaan laga raacdeeyey Bayern Munich.

Conte sababta ugu weyn ee uu kaga tegayo Chelsea waa inay isku dhacsan yihiin maamulka sarre ee kooxda, kuwaasoo aan usoo iibin ciyaartoyda uu dalbaday, waxaana lagu soo waramyaaa inuu xun yahay xiriirka kala dhexeeya milkiilaha Chelsea Roman Abramovich.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan