Xiriirka UEFA oo soo saaray shaxdii ugu fiicnayd sanadkii dhammaaday ee 2017 – Yaa kaga jira kooxdaada?

0
1074

Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah maanta daaha uga rogay shaxda kooxdii ugu fiicnayd sanadkii dhammaaday ama 11-kii ciyaaryahan ee ugu wanaagsanaa Yurub sanadkii tagay ee 2017.

Kooxda kubadda cagta real Madrid ayaa Shaxda UEFA ee sanadkii tagay 2017 xiddigaha ugu badan ku yeelatay, waxaana ay ku leedahay Los Blancos shan ciyaaryahan kaddib makrii ay difaacdeen Koobka Horyaalladda Yurub ee Champions League.

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa sanado badan kaddib xiddigo ku yeeshay shaxda sanadka ee UEFA, waxaana ugu jira Kevin De Bruyne iyo Eden Hazard.

Dhinaca kale horyaalka Jarmalka ayaan wax ciyaartoy ah ku yeelan Shaxda 11-ka laacib ee ugu fiicnaa Yurub sanadkii dhammaaday ee 2017.

Xiriirka UEFA ayaa shaaciyey shaxdan kaddib codad uu ka uruuriyey  8.8 milyan oo Taageerayaal ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxdii ugu fiicnayd sanadkii tagay ee 2017 magacyada xiddigaha ka soo muuqday, dalalka ay ka soo jeedaan iyo kooxaha ay ka tirsan yihiin:-

Goolhaye: Gianluigi Buffon (Juventus & Italy).

Difaacyada: Dani Alves (Juventus/Paris Saint-Germain & Brazil), Sergio Ramos (Real Madrid CF & Spain), Giorgio Chiellini (Juventus & Italy) & Marcelo (Real Madrid CF & Brazil).

Khadka Dhexe: Kevin De Bruyne (Manchester City FC & Belgium, Toni Kroos (Real Madrid CF & Germany), Luka Modrić (Real Madrid CF & Croatia) & Eden Hazard (Chelsea FC & Belgium).

Weerarka: Lionel Messi (FC Barcelona & Argentina) & Cristiano Ronaldo (Real Madrid CF & Portugal).

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan