Khabiirka Reer France Juliens Laurens Oo Kashifay Magaca Hal Ciyaaryahan Oo Uu Paul Pogba Jeclaan Lahaa Inay Lasoo Wareegto Man Utd

0
1955

Khabiirka kubada cagta France Juliens Laurens ayaa sheegay in Paul Pogba uu doonayo Manchester United inay lasoo saxiixato weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Paul Pogba ayaa xiiso u qaba in Man United ay lasoo saxiixato laacibka Atletico Madrid Antoine Griezmann, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Faransiiska.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United xagaagan, laakiin heshiiska ayaa ku guuldareystay inuu dhaco.

Griezmann ayaa ku jira xaalad kacsanaan ah kadib markii ay kooxdiisa isaga soo hartay tartanka Uefa Champions League-ga.

26 jirkaan ayaa ku dhibtoonaya inuu helo qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkaan, inkastoo ay jirto in  Barcelona ay u muujisay xiiso gaar ah.

Sida laga soo xigtay wargeysyada dalka Spain, madaxweynaha Barcelona Josep Bartomeu ayaa la kulmay Griezmann iyo wakiiladiisa bishii la soo dhaafay si loo yareeyo wararka la isla dhexmarayo.

Manchester United ayaa weli lala xiriirinayaa inay lasoo saxiixato Griezmann, iyadoo saxiixa rikoorka ah ee Red Devils Pogba uu yahay saaxiib aad ugu dhaw xiddiga Atletico.

Griezmann ayaa dhaliyay 90 gool 177 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan ka dib afar xilli ciyaareed oo uu joogay Atletico.

Weeraryahanka reer France ayaan wax koob ah kula guuleysan Atletico inkastoo uu gaaray finalkii Champions League sannadii 2016kii.

Red Devils ayaa sidoo kale lala xiriirinayay weeraryahanka Juventus Paulo Dybala.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan