Juventus oo war farxad leh ka heshay xaaladda dhaawaca Paulo Dybala – Miyuu taam u noqon karaa kulanka Tottenham?

0
654

Waxaa soo ifbaxaya durba warar sheegaya in weeraryahanka Juventus Paulo Dybala uu taam buuxa u noqon karo kulanka ay Juventus ciyaareyso wareega 16-aad ee koobka horyaalada yurub markaas oo ay isbuuca labaad ee February ay la ciyaari doonaan Spurs.

Xidigaan reer Argentina ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay kooxdiisa guusha ka gaartay Cagliari, cidna ma rumeysna inuu xidigaan taam buuxa u noqon karo kulanka Spurs ee Champions League.

Xidigaan wuxuu ku qaatay qolka caafimaadka daaweyn fiican waliba iyadoo Serie A-da uu ku jiro isbuuc fasax ah, balse Mediaset Premium ayaa shaaca ka qaaday in Paulo Dybala uu rajeynayo inuu safto kulanka Tottenham.

24-jirkaan heerka caalami wuxuu dhaliyay 17-gool sidoo kalana 4-caawinaad ah ayuu sameeyay, 28-kulan oo uu kooxdiisa u saftay dhamaan tartamada oo dhan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan