Xiddig kooxda Manchester City oo si dadban u xaqiijiyey saxiixa Alexis Sanchez, muxuuse yiri?  

0
765

Kubadsameeyaha kooxda Manchester City Kevin De Bruyne ayaa afkiisa laga qabtay hadal loo fasirtay inuu Alexis Sanchez kusoo joogo jidkii keeni lahaa kooxda Manchester City.

De Bruyne ayaa la weydiiyey wax uu ka ogyahay haddii weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka Chile Alexis Sanchez uu kusoo jeedo Etihad Stadium, wuxuuna ku jawaabay: “Aan dhahno goorma ayuu imaanayaa? Bedelkii aan dhihi laheyn haddii uu kusoo biiri doono Manchester City.”

Hadalkaas ayaa loo fasirtay inuu Alexis Sanchez imaan doono Man City maalmaha soo aadan, iyadoo la filayo inuu bedel u noqdo weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus kaasoo laba bilood dhaawac jillibka ah garoomada uga maqnaan doona.

Man City ayaana haatan u baahan weeraryahan tartan la gala Sergio Aguero, kaasoo keydka kasoo kacay dhaliyeyna goolka guusha kulankii ay guusha 2-1 ah ka gaareen kooxda Bristol City ee heerka semi-finalka tartanka League Cup.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan