Real Madrid Oo Dajisay Qorshihii Ay Hal Mar Kula Soo Wareegi Laheyd Eden Hazard Iyo Harry Kane Xili Marka Hore La Iibinayo Xiddigaan

0
1773

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa isku diyaarinaya saxiixyo waaweyn inuu ka sameeyo suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo Harry Kane iyo Eden Hazard ay kamid yihiin ciyaartooyda lala xiriirinayo Los Blancos.

Real Madrid ayaa 16 dhibcood ka dambeysa Barcelona oo hogaamineysa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Zinedine Zidane kooxdiisa ma aysan sameyn saxiix weyn oo ay kula dagaalanto kooxda Ernesto Valverde, waxaana ay wajahayaan su’aalo adag marka wareega 16ka Champions League ay ku wajahayaan kooxda Paris Saint-Germain.

Barcelona ayaa lumisay xagaagan Neymar, waxaana  ciyaaryahanka reer Brazil bedelkiisa yimid Ousmane Dembele iyo Philippe Coutinho.

Both Harry Kane and Eden Hazard could join Real Madrid in the summer

Labada ciyaaryahan ee Kane iyo Hazard ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin bartilmaameedka koowaad ee Los Blancos, iyadoo aabaha dhalay xiddiga Chelsea macquul ka dhigay in wiilkisa uu u dhaqaaqo Bernabeu.

Wargeyska Diario ayaa sheegay in Real Madrid ay dooneyso hal mar inay soo xero geliso labada ciyaaryahan ee ka ciyaarta horyaalka Premier League xagaagan.

Laakiin warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda La Liga ay u baahnaan tahay marka hore inay iska iibiso Karim Benzema si ay u helaaan maalgashi fiican.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa dhaleeceyn kala kulmay taageerayaasha Real Madrid xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay kaliya labo gool oo horyaalka ah.

Kane ayaa doonaya inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku dhameysto Tottenham, inkastoo Real ay ku dalban karto 200 milyan oo ginni.

Chelsea ayaa isha ku heysa inay Hazard ka saxiixdo heshiis cusub, laakiin waxaa lagu guuldarreystay wadahadalkii ugu dambeeyay ee lagu doonayay qandaraas cusub in looga saxiixa laacibka Belgium.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan