Monaco oo hoos u dhigtay qiimaha ay ku dooneyso Thomas Lemar iyo rajada cusub Liverpool soo gashay

0
866

 

Wararka ka imaanayo gudaha France ayaa sheegayaan in kooxda AS Monaco ay hos u dhigtay qiimaha ay ku dooneyso cayaaryahan Thomas Lemar inay ku fasaxdo.

Thomas Lemar markii hore waxaa dul tiilay 90-milyan oo pound waana qiimo ay diidaneed inay Liverpool xidigaan kusoo qaadato.

Balse warbixin cusub ayaa haatan lagu sheegay in Monaco ay aqbali doonto 75-milyan ilaa 80-milyan oo pound qiimo u dhaxeeyo hadii si rasmi ah loogu soo gudbiyo inta bishan Janaayo suuqa Yurub furnaan doono.

Macalin Jurgen Klopp oo bartilmaameed kowaad ka dhiganaayay Thomas Lemar ayaa hada kalsooni buuxdo ku qabo 22-jirkan xulka France ka tirsan inuu gacanta kusoo dhigi karo maal maha nagu soo fool leh.

Inkastoo Arsenal iyo Chelsea sidoo kale Thomas Lemar xiiso saxiixiisa u qabaan hadana warbaahinta France waxay isku raaceen in Liverpool ay tahay kooxda ugu cad cad ku guuleysiga saxiixa xidigaan khadka dhexe ka cayaaro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan